berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Shaqale Ajaaniib Ah Oo Dhismayaal Berbera Kuyaala Ka Shaqaynaayay Oo Saaka La Weeraray Dhaawacyo Culusna La Gaadhsiiyay+Daawo Sawirada
July 1, 2019 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-War deg deg Ah Shaqalihii ajaanibka ahaa ka shaqaynayay dhismayaasha magaalada Berbera ayaa saaka lagu weeraray goobihii ay ka shaqaynayeen iyagoo dhaawacyo culus la soo gaadhsiiyay warka ayaa waxa uu sheegayaa inay weerarkaas gayeysteen shaqaalihii muwaadininta ahaa oo bilihii udanbeeyay ka cabanaayay inay shaqadii kala wareegeen shaqaale Muqaawil ah oo dalka debediisa ay shirkadaha dhimayaasha ee Berbera ka shaqeeyaan debeda kasoo kireystaan.

shaqaalaha la weeraray oo isugu jira Hindi iyo Bangalidesh ayaa ka shaqaynaayay guri Fooq ah oo Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid ka dhisanayo magaalada Berbera waxaana dhismaha fooqaas mashruuc ku qaadatay shirkada Dhismaha ee Tawfiiq Construction Company oo shaqaalaha ajaanibka ahina ushaqaynayeen.

 Shaqaalaha farsamada dhismayaasha ku shaqaysta ee muwaadiniinta ah oo maalmihii udanbeeyay warbaahinta cabasho la taagnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Saaxil  ay dhawr jeer ugeeyeen Cabashadooda oo waxba loo qaban waayay islamarkaana ay hada xaaladaadu meel halisa marayso oo camal la,aan baahsani hayso oo shaqadii ay khibrada ulahaayeena ee ay caruurahooda masaariifta uga soo saari jireen shaqaale ajanab ahi kala wareegeen taasna marnaba aanay aqbalayn.

shaqadan loo keensaday shaqaalaha ajanabka ah ayaa ah mid qaban karaa shaqaalaha muwaadiniinta ah ee reer Berbera inteeda badan.

Sidoo kale dadkii loo tuhunsanyahay inay falkan ku geysteen ayaan ilaa hada cid kamida la qabanin.

Shaqaalaha Ajanibka ah ee dhawaacyada kala duwani soo gaadheen oo shan ruux ah oo isugu jira Hindi.Bangaldesh Iyo Carab ayaa lagu daaweynayaa Cisbataalka guud ee Berbera.

 

 

 

Halkan Hoos Ka Daawo Cabashada Shaqaalaha Muwaadiniinta ah oo dhawaan mar ay warbaahinta la hadlayeen Ka Cabanaya Shaqaale Ajanab ah oo shaqii kala wareegay.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews