Somaliland Oo Soomaaliya Ku Eedaysay Inay Faro-Gelinayso Xidhiidhka Ay Kenya La Leedahay
July 2, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa Soomaaliya ku eedaysay inay Faro-gelin ku samaynayso xidhiidhka ay la leedahay Kenya.
War-saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo soo gaadhay Shabakada Wajaalenews, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo looga baahnaa inay ku mashquusho hawlaheeda gudaha, sida Amniga, Dadkeeda gargaarka bani-aadamnimo u baahan yahay iyo xasilinta dhulkeedu ay isku mashquulinayso arrimo kale oo ay ka mid tahay inay faro-geliso Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, sida hadalka loo dhigay.