Adduunka waxaa sannad kasta uu soo saara qashin gaadhaya 2.1 bilyan oo tan, boqolkiiba 16% waxaa dib loo soo celiyaa qashinka si dib loogu adeegsado halka boqolkiiba 46% la qubo.
Qashinka ay daadiyaan bulshada Mareykanka waxaa uu saddex jeer ka badan yahay midka Shiinaha iyo sidoo kale waxaa uu toddobo jeer ka badan yahay qashinka ay qubaan shacabka Itoobiya.
“Qashin badan oo Mareykanka ka yimaado hadda looma daabuli karo Shiinaha, dab ayaa la qabadsiiyay, mana jirto dadaal ama dhaqaale looga hortaggayo dhibaatadan” ayuu yidhi Will Nichols, oo ah madaxa daraasadda.
Mamnuucitaanka qashinkii loo daabuli jiray Shiinaha,Thailand, Vietnam iyo Malaysia ayaa waxay isbaddal ku reebeen caalamka, waxaa jiraa xiisad u dhexeysa Philippines iyo Canada kaddib markii Philippines ay dib u celisay Kanada 69 maraakib ah oo siday qashin ah.
Dalalka Aasiya ma doonayaan inay noqdaan meel lagu qubo qashinka caalamka” ayuu yiri Will Nichols.
“Waxaa jiraa dad ku jira nolosha dabaqadda dhexe ,kumana faraxsano heerka wasakhda iyo qashinkaas, Shiinaha waxaa uu leeyahay siyaasad uu ka hortaggi karo dhibaatadan”
Warbixinta waxay soo jeedineysaa in waddamada dunida ay ciribtiraan qashinka isla markaasna ay ka hortaggaan wasakheynta deegaanka.