berberatoday.com
Waraysigii Ugu Dambeeyay Ee Laga Qaaday Jeneraalkii Lagu Eedeeyay Afgambigii Dhicisoobay Ee Itoobiya
July 4, 2019 - Written by admin

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ninkii lagu eedeeyay wax ay dawladda Itoobiya ku tilmaantay inqilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada ayaa diiday in uu sameeyay iskuday inqilaab, ayaa la waraysatay intii aan toogashada lagu dilin jeneraalka.

Sarreeye Guuto Asaminew Tsige ayaa la dilay isaga oo isku dayaya in uu ka baxsado meel uu ku gabanayay oo ku taalla magaala Bahir Dar ee caasimadda u ah gobolka Amxaarada, arrintaas ayaana dhacday maalin uun ka dib markii la dilay Madaxweynaha gobolka Amxaarada iyo kaaliyihiisii, sida uu booliisku sheegay.

Fasika Tadesse oo tifaaftire ka ah wargeyska Addis Fortune ayaa sheegtay in ay ahayd wariyihii u dambeeyay ee waraysata Sarreeye Guuto Asaminew Tsige. Waxay wada hadleen saacado uun ka dib markii la dilay Madaxweynaha gobolka Amxaarada.

Waa markii koobaad ee ay ka hadasho waraysigaas.

Sarreeye Guuto Asaminew Tsige ayaa Fasika u sheegay in toogashada Bahir Dar ay qayb ka ahayd mashaakil ammaan oo Bahir Dar ka jiray dadna ay isku dhaceen. Wuxuuna sheegay in aanu afgambi isku dayin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu qaban doono shir jaraa’id si uu faahfaahin uga bixiyo waxa dhacay. Balse shirkaasi jaraa’id ma qabsoomin.

Wax yar ka dib markii uu dilku dhacay dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in uu qayb ka ahaa isku day afgambi waxayna la xidhiidhisay toogashadii Addis Ababa ee lagu dilay taliyihii guud ee ciidammada Itoobiya Seare Mekonnen.

Dawladda Faderaalka ah ayaa saartay guddi baadhitaan ku sameeya dhacdadii bishii hore, ka dibna dib u fiiriya bal in ay xidhiidh lahaayeen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews