“Addeerkaa Maxamed Siyaad Barre Ayaa Qori Ku Xasuuqay Somaliland Adiguna Waxaad Dooneysaa In Aad Qalin Ku Xasuuuqdo Waa Wax Aan La Aqbali Karin”Wasiir Saleebaan Cali Koore
July 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-hadal haynta bulshada Somaliland ee doodii shalay dhexmartay Wasiirka arimaha Debeda ee Dawlada Xamar Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka horumarinta Biyaha ee Somaliland Saleeban Cali Koore ayaa qodobada uu doodaas kaga qeyb galay Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa Waxa kamida ahaa”
“Addeerkaa (Siyaad Barre) ayaa qori ku xasuuqay Somaliland adiguna waxa aad dooneysaa in aad Qalin ku xasuuuqdo waa wax aan la aqbali Karin.” Sidaas waxaa yidhi Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koorre isagoo u jawaabaya Madaxweyne Farmaajo. Saleebaan ayaa la hadlaayay BBC-da. Wasiirka ayaa kasoo jeeda degmadda Taleex ee Gobolka Sool ee Somaliland.