Somaliland oo Qabsatay Ciwaannada Warbaahinta Caalamiga ah iyo Shacbiga oo Taageeray Socdaalka Saameynta Yeeshay
July 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 24kii saacadood ee u dambeeyey qabsatay ciwaannada Warbaahinta caalamka oo si weyn u qaadaa dhigay dedaalka ay Somaliland ugu jirto qaddiyadeedda aqoonsi raadinta.
Waxa Saxaafadda caalamiga ahi soo bandhigeen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii loogu soo dhaweeyey Magaalada Conakry ee dalka Jamhuuriyadda Guinea bayaamisay in Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi lagu qaabiley meeqaamkii u sarreeyey isla markaana diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo lagaga qaaday Madaarka lagu geeyey xarunta Madaxtooyadda, halkaasi oo labada madaxweyne kulan ku yeesheen.