Xasan Ciise Jaamac Oo Boggaadiyay Safarka Madaxweynaha Somaliland Ee Guinea Conakry
July 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Mudane
Xasan Ciise Jaamac waxa uu dhmbaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u diray Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga balaadhan ee uu hoggaaminnaayo ku taageeray Safarka guusha badan dheliyay ee dalka guinea Conakry.
Xasan Ciise Jaamac waxaa uu sheegay in Safarka guinea Conakry ee lagu martiqaadday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii la socday uu saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan Mandaqadda, gaar ahaanna geeska dalalka geeska Africa, waxaannu ku tilmaamay inuu ahaa Safar guul wayn u soo hooyay Shacabka reer Somaliland.