Korneyl Caare Iyo Dabley Uu Wato Oo Ciidamada Qaranka Somaliland Ku Horjoogaan Buurlayda Daallo
July 12, 2019 - Written by admin
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Sida Uu sheegayo war aanu ka soo xiganay Suxufiga Cabdirisaaq Faarax Cabdillahi(Nakruuma)Lix Guuto kamida Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa dhinac walba kaga wareegsan Korneyl Caare Iyo Dablay Uu Wato Agagaarka Buurta Daalo oo dhinaca Xeebta Maydh Kaga Beegan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag halkaas oo la sheegay inay shalay orod ku galiyeen Ciidamada Qaranka Somaliland kadib markii ay dagaal mudo kooban socday iskaga horyimaadeen deegaanka Dhoob.