Qodobo Maamulka Puntland Iyo Dawlada Soomaaliya Ka Codsadeen Kornayl Caare Oo Dibada Usoo Baxay Iyo Go’aanka Uu Sarkaalku Ka Qaatay
July 12, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kornayl Siciid Caare oo cadho kaga goostay ciidamada qaranka somaliland ayaa ganafka ku dhuftay codsi uga yimid maamulka Puntland iyo dawlada Soomaaliya.
Dawlada Soomaaliya oo soo dhexmaraysa maamulka Puntland ayaa kornayl Caare u soo jeedisay inuu fuliyo qodobo ka dhan ah jiritaanka qaranimada somaliland kuwaas oo uu ka qaatay go’aan aan ka farxin dhinacyadii soo abaabulay codsiyada dhagaraysan.
Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Hadhwanaagnews u soo bandhigay qodobada laga codsaday kornayl Caare waxaanu yidhi “Caare iyo Puntland waxay isku mari waayeen qaabka maamulkaasi u taageerayo jabhada Kornaylka iyo wajiga uu dagaalkiisu noqonayo, Caare isaga oo Qardho jooga ayuu odhan jiray somaliland, waana geesi halyey qaran ah waana nin rag garta waayey.”