Warbaahinta Guinea: “Somaliland Waxay Muunaysay Madaxweyne Alpha Conde iyo Calanka Guinea”
July 12, 2019 - Written by admin
Conakry(Berberatoday.com)-Warbaahinta Jamhuuriyadda Guinea ayaa baahiyey sida shacbiga reer Somaliland
umuuneeyeen isla markaana caasimadda Hargeysa ay u qabsadeen sawirrada Madaxweyne Alpha Condé iyo calanka dalkaasi. Kadib markii dawladda Guinea ay meeqaam iyo hab-maamuus aad u sarreeya ku soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada ku tagay toddobaadkii hore Magaalada Conakry.
