Jubbaland Oo Shaacisay Tirada Dadkii Ku Dhintay Qaraxa
July 13, 2019 - Written by admin
Kismanyo(Berberatoday.com)-Jubbaland ayaa sheegtay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ka mid ahaayeen 10 qof oo ajaanib ah oo u kala dhashay waddamada Tanzaaniya, Kenya, Kanada, Mareykanka iyo Britain.
Waxaa sidoo kale ay sheegeen in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.