Daawo Muuqalka”Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Ee Education Cannot Wait.
July 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka loogu magac daray Waxbarashadu ma sugi karto ee ( Education cannot wait) kaasi oo ay qaban qaabadiisa lahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.
Barnaamijkan oo ay Wasaaradda ka caawinayso Hay’adda ECW ayaa waxaa wax lagu bari doonaa Caruurta yar yar, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo sheegay in Barnaamijkani yahay mid faa’iido u leh caruurta si loo helo ubad wada aqoonyahan ah.
Agaasimaha guud ee Hay’adda ECW oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Barnaamijkan loogu magac daray waxbarashadu ma sugi karto uu yahay barnamij, wax lagu baraayo caruurta, islamarkaana la jaan qaadaya qorshaha heer qaran iyo kan wasaaradda waxbarashadaba islamarkaana looga golleeyahay in caruurtu ku hesho xuquuqdooda wax barasho caqabad kasta oo timaada.