“Fanaanka Maxamed BK Waxa La Gudboonayd Inuu Kala Saaro Siyaasada Iyo Fanka W/Q Mohamed Boosh
July 14, 2019 - Written by admin
Maxamed waxa la gudboonayd in uu kala saaro siyaasada iyo fanka.
Markii labaad ayuu ku guuldareysatay in uu Nairobi ku dhigo bandhig faneed , waana weji gabax soo gaadhay fanaan la wada jeclaa.
Waxa aan markhaati ka ahay in uu yahay fanaanka loogu dhageysiga badanyey magaalooyinka Djibouti , Garoowe iyo Muqdisho , laakiin hadana dadku waxa ay kuu sheegayaan in uu yahay fanaan cunsuri ah oo Soomaalida kala sooco si aan la mid ahayn fanaaniinta kale.
Ha u heeso Somaliland xaq buu leeyay , laakiin ma ahayn in uu jeediyo hadalo cunfi abuuraya waayo isagu siyaasi maaha , fankuna xuduud ma laha .
Nairobi waxa ku nool Soomaali uu fogeeyay, safarkiisana xisaabta kuma darsan waxa uu mudan doono