Guddi Waan Waan Ka Dhex Wada Jabhada Kornayl Caare Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi
July 14, 2019 - Written by admin
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidhay jabhada kornayl Kornayl Caare ayaa waxa ay sheegayaan inay jabhaddaasi si rasmi u degtay Buur lagu magacaabo KULMIYE oo bari fog ugu toosan Magaalada Ceerigaabo halkaasi oo waan waan looga dhex wado Xukuumadda.
Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Gudi kasoo jeeda Beesha Jabhadda, gaar ahaan gudi kasoo jeeda Deegaanka Ceerigaabo ay ukala dabqaadayso Xukuumadda si heshiis loo dhaliyo islamarkaana jabhadda Hubka looga dhigo. Wararkan ayaa sheegaya in gudidaasi ay iskugu jirto siyaasiyiin iyo oday dhaqameed beesha Kornayl Caare kasoo jeeda kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafayay Kulamo iskugu yimid, iyagoo xidhiidho la sameeyay Kornayl Caare iyo Dhinaca Xukuumadda.