“Marka Sharciga La Iska Laabo Xukuumadu Haynoo Dhaqdo Sida Caaqilada”…Proff Cabdi Cali Jaamac
July 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa xukuumada somaliland ku eedeeyey inay laabtay ku dhaqankii sharciga.
Proff Cabdi Cali ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in talaabo kasta oo xukuumadu qaado ay ka hor imanayso sharciga balse ay marka dambe ku xalinayso ergo laga galo iyo xaal la siiyo xukuumada.
Proff Cabdi Cali ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadu ku maamulayso dalka nidaam la mid ah kan ay cuqaashu ku kala saaraan dadka, waxaanu yidhi :-
“Soo Xidh, Wallahi in Damiin ku sii daa la ii baryi, Waliba Ma Sii Daynayo illaa uu Xaal TV-ga ka Bixiyo”; ma sidaasaa Marka Sharcigu Sarreeyo!!!