Maxaa Keenay in Gabadha uu Dhalay Guddoomiyaha Guurtidu Dawlada Somaliya Ka Soo Qaato Mashaariic Ku Kacaysa Malaayiin Dollar
July 15, 2019 - Written by admin
Hargaysa(Berberatoday.com)-Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc balaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan qaybta Somaliland oo maanta Hargaysa lagu qabtay .

Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11/7/2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre.