Shir Deg Deg Ah Oo Golaha Wasiirada Somaliland Yeesheen Oo Lagaga Hadlay Xaalada Xoolaha Somaliland Iyo Markabka Sucuudiga Ku Xayiran
July 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-War-saxaafaddeed goordhaweyd kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in shir aan caadi ahayn ay Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay ka yeesheen arrinta dhoofta xoolaha.
Warka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yidhi: “Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan”
Sidoo kale, Warka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland waxaa lagu sheegay in dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta Markabkii ku xayirnaa dekedda Jidda uu ka degay dalka Sucuudiga.