Xaalada Dhaqaale Ee Somaliland Oo Wargeyska East Afrika Wax Ka Qoray Iyo Dooda Wasiir Sacad
July 15, 2019 - Written by admin
Wargeyska The East Africa ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu ku ammaanay JSL oo uu ku sifeeyey inay qabsanayso wixii ay haysato.
Warsidaha The East Africa wuxuu iftiimiyey in miisaaniyadda Somaliland ay gaadhayso 400 oo Milyan oo Doolar oo ay ku jirto lacagta Dekedda Berbera oo xiligan ay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ay dib ugu dhisayso lacag dhan 442 Milyan oo Doolar.
Wasiirka Horumarinta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska The East Africa in aanay Somaliland dhaqaale ka helin Hay’ado Maaliyadeed oo badan, sidaas darteedna ay qabsanayaan wixii ay dal ahaan haystaan.
“Kama helno wax caawimo ah Hay’ado Maaliyadeed oo badan,sidaas awgeed waxaanu sameynaynaa wixii aanu awoodno ee aanu haysanno,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.
Wargeyska The East Africa wuxuu sheegay in JSL ay lagu rajo weyn yahay in laga soo saaro macdan, iyadoo shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee RAK Gas iyo shirkadda Genel Energy ay afartii sannadood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen hawlo shiidaal baadhis ah isla markaana rajo weyn laga qabo in laga soo saaro shiidaal Somaliland.
Wargeysku wuxuu weriyey inay Somaliland ku jirto afar dal oo ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka, kuwaasi oo celcelis ahaan dhaqaalaha sannadkii soo gala qof kasta lagu qiyaasay 400 oo doolar sannadkiiba, waxaana dalalkaasi ka mid ah Burindi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Malaawi.