Xulalka Senegal Iyo Algeria Oo Iskugu Soo Hadhay Final-ka Koobka Afrika, Nigeria Iyo Tunizia Oo Laga Takhalusay
July 15, 2019 - Written by admin
Cairo(Berberatoday.com)-Xulka Algeria ayaa buukintay booskooda finalka Koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen xulka Nigeria kulankii semi-finalka iyadoo Riyad Mahrez uu dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ciyaarta.
Algeria ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 40aad ee qeybtii hore markii uu gool iska dhaliyay xiddiga NigeriaWilliamTroost-Ekong.
Laakiin Nigeria ayaa barbareysay ciyaarta daqiiqadii 72aad markii rigoore loo dhigay uu gool u sarifayOdionIghalo. Iyadoo ay u muuqato in ciyaarta 30 daqiiqo dheeri ah lagu darayo ayay Algeria heshay goolka guusha waqtigii dhimashada ee daqiiqadii 92aad.