Johannesburg”Ciyaartooy Caan Ah Oo Hadh Cad Rasaas Lala Dhacay
July 16, 2019 - Written by admin
Johannesburg(Berberatoday.com)-Ciyaartoy hore oo dheeli jiray kubadda cagta una dhashay dalka Koonfur Afrika,Mark Batchelor ayaa lagu toogtay meel u dhaw gurigiisa oo ku yaalla magaalada Johannesburg, sida ay sheegeen booliska dalkaas.
“Waxaa lagu furay rasaas,waxaa laga toogtay daaqadda, goobtii ayuu ku geeriyooday” waxaa sidaas yiri Col Lungelo Dlamini oo ah afahayeenka booliska xilli uu la hadlayay warbaahin kasoo baxda dalkaas.