Wargeyska Geeska Afrika Oo Helay Xoggo Ku Saabsan Cida Qaban Qaabisay Socdaalkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Gini+Tuhunka Maamulka Somaliya!
July 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar xogogaala oo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa xaqiijinaya in dawladda Soomaaliya ay dal Carbeed uga shakisantahay inuu qayb muhiim ah ka qaatay socdaalkii uu Madaxweyne Biixi bishan ku tagay dalka Guinea iyo soo dhawayntii diiranayd ee halkaas loogu sameeyay isaga iyo weftigiisa.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa toddobaadkan magaalada London ka sheegay in dal aanu magacaabin uu dalka Guinea culays ku saaray qaabiladii Madaxweyne Biixi, “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka. Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Soomaaliya oo afkiisa ka ilaaliyay inuu magacaabo dalka ay dawladiisu tuhunsantahay.