Laba Markab Oo Xoolo Qaadaya Oo Ka Dhoofaya Dekada Berbera Iyo Markabkii Xayirnaa Oo Xoolihii Laga Rogay
July 19, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Dekadda Magalaada Berbera Waxa habeenkii Xalay ka Dhoofaya Laba Markab Oo kala Ah M/v Layla J oo qaadaya (61000 Neef) iyo M/v Mabruuk oo qaadaya(13000 Neef), Xoolahaasi Oo Loo Rarayo Dalka Sucuudiga ,waxaana iska leh xoolahan ganacsadaaha Carbeed Ee Salebaan Aljaabiri Oo Maxjarkiisa Berbera kuyaala lagu Caafimaadiyey.

Xoolahan xalay Laga Raray Dekadda Berbera Ayaa ku dhoofaya Warqadaha Caafimaadka Dhakhtarka iyo Rugta Ganacsiga Somaliland taas oo hore ay u mamnuucday Dawlada Farmaajo, taas oo keentay in Markabkaasi Hore Rogistiisa Ay Dawlada Sucuudigu ku xidhay, balse imika laga noqday Shurudaasi sida uu ii sheegay Ganacsade kamida kuwa Cawa Xoolaha ka Raraya Dekadda Berbera oo ii sheegay in Ku Rogayaan Ruqsadaha Caafimaadka iyo ganacsiga Somaliland arin kaasina uu dhamaaday dawlada Sucudii arabiyana garwaaqsatay xuquuqda dawladnimo ee Somaliland Iyo Inaanay Dawlada Xamar Berbera Wax Xafiisyo ah kulahayn labada maamulna Lakala yahay.