Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya
July 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.