Shirkadda Diyaaradaha Jarmalka Ee Lufthansa Oo Joojisay Duulimaadyadeedii Qaahira Iyo Sababta
July 22, 2019 - Written by admin
Germany(Berberatoday.com)-Shirkadda diyaaradaha dalka Germany ee Lufthansa ayaa Axaddii shalay joojisay duulimaadyadii diyaaraddaasi ku tagaysay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar iyadoo talaabadaasi ku sababeeysay foojignaan xaga amaanka ah oo aanay wax faah faahin ah ka bixin.
Go’aanka ay shirkaddu ku hakisay duulimaadyadeedii dalka Masar ayaa saamayn xoogan ku yeeshay Rakaab aad u badan oo ay u qorshaysnayd inay diyaaradaasi raacaan, waxaanay durbadiiba ku mashquuleen helitaanka diyaarad kale oo ka qaada ,magaalooyinka Jarmalka una qaada Qaahira.