“Somaliland Waxay Rabtaa Aqoonsi Xataa Haddii aanay Muqdisho Aqlabayn”Wargeyska The East African
July 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Toddobaadlaha ah ee The EastAfrican oo mataanno la ah Warsidaha The Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa maanta warbixin ka qoray dedaalka aqoonsi raadinta ee ay wado dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta Wargeyska The EastAfrican oo ciwaan looga dhigay “Somaliland waxay rabtaa aqoonsi xataa haddii aanay Muqdisho aqbalayn.”
Wargeysku wuxuu warbixintiisa ku bilaabay in caasimadda Hargeysa ay duqeeyeen diyaaradihii noocoodu ahaa MiG ee uu lahaa kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya oo xasuuqay dadkii ka soo horjeeday 31 sannadood ka hor. Waxaanu warsiduhu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa Millatarigii Soomaaliya uu xiligan hoggaaminayo dedaalka ictiraaf raadinta iyo madax-bannaanida Somaliland.