Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil(Weedhsame)Oo Shaaciyay Inuu Soo Bandhigi Doono Maanso Cusub Oo La Magac Baxday“ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Iyo Nuxurka Ay Xanbaarsan Tahay! “
July 23, 2019 - Written by admin
“ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Waa Tix Aan ku Xorayn Doono Inamada Adeeradood U Af-Duuban”Abwaan Weedhsame,

Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame Oo Kamid Abwaanada sida wayn looga yaqaaano gayiga somalida gaar ahaan Somaliland islamarkaana caan ku ah suugaanta lagu toosinayo xukuumadaha talada dalka haya ayaa shaaciyay in uu dhawaan soo saari doono maanso cusub oo ka hadlay sida shacabka qaar loogu Adoonsado Abtirsiinta iyo Haybta Qabiilka taasi oo lagu magacaabo“ADDOONKII AB-TIRSIINTA” Iyadoo sida uu abwaanku sheegay Tixdan uu ku xorayn doono dhalinyarada lagu doonsaday adeernimo iyo haybta qabiilka,