Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Taariikhda Faca Weyn Ee Somaliland Qoraal Ku Soo Koobay
July 23, 2019 - Written by admin
Taariikhda Ururso kuna dar
——————-
1. Dhulkii ugu horeeyey ee Calan Soomaaliyeed Oo xor ah laga taago- Hargeysa June 26, 1960
2. Radio gii ama idaacadii Ugu horeeysay ee Af Soomaali lagaga hadlo – Radio Hargeysa 1943 kii. Ninkii Ugu horeeyey ee Soomaali ah ee idaacada ka hadlaana sidaa maqlay wuxuu ahaa Xaaji Cabdi Ayuub IHUN Oo kolkii danbena noqday ninkii Ugu horeeyey ee laanta af Soomaaliga ee BBC da ka hadlay 1957 kii.
3. Halgankii Daraawiishta – halgankii Ugu horeeyey ee hubaysnaa ee Africa Ingiriiska lagaga hor yimid. Taleex, 1901 ee uu hogaaminaayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Ilaahay haw naxariistee.
4. Diyaaradihii Ugu horeeyey ee Africa dagaal lagu galo Oo Ingiriisku ka kicinaayey Burco 1921.
5. Biladdii suugaanta baroordiiqda Oo la siiyey waftigii Somaliland 1953 kolkii boqaradan imika Ingiriiska Oo aabaheed dhintay kolkaasoo dhamaan wadamadii Ingiriisku gumeysan jiray ay ka soo qayb galeen. Waftiga Somaliland Waxay kaga qayb galeen gabaygii baroordiiqda ee caanka ahaa ee Iskuulada lagu dhigan jiray uu Ilaahay haw naxariistee Cali Jaamac Haabiil uu u tiriyey Xirsi iyagoo magacii Xirsi uun ku badalay boqorkii geeriyooday. Waa markii Ugu horeysay ee suugaanta Soomaalida International award ama abaal marin caalamiya lagu bixiyo.
6. 1930 – sodomeedyadii dadkii Ugu horeeyey ayaa dalka dibadiisa oo Suudaan ah waxbarasho loogu diray ragga Waxaa ka mid ahaa Maxamuud Axmed Cali, Shire Gaab, Axmed Yussuf Samatar (Gaandi), Yussuf Xaaji Aadan, Engineer Cali Jirdeh, Faarax Oomaar, iyo rag kale Oo aanan xasuusan imika sida aan ka soo wariyey odoyaal badan.
Facebooka taariikhda iyo wixii Macluumaad ah ha lagu kala faaiideysto. Dadkii taariikhda qori jiray kolba wax haynoo qadhiidhaan.
Jamal Ali Hussein
USA