Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-Furay Gaadiid Casri Oo Shirkada Hyundai Dalka Keeni Doonta+Daawo Sawirada
July 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya.
Munaasibadda daah-furka mashruuca ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keenayso gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai oo ay ka qaybgaleen madaxda xukuumadda ugu sarraysa, hoggaanka axsaabta qaranka, ganacsato, madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya faa’iidada qaranka iyo bulshadaba ugu jirta inay ganacsatada waa weyni dalka keenaan mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh, islamarkaana aqoonta iyo fikirka shacabka kor u qaadda.