Qatar Oo Kenya Kula Heshiineysa Sahminta Shidaalka Badda
July 25, 2019 - Written by admin
Nairobi(BEerberatoday.com)-War ka soo baxay hay’adda arrimaha Shidaalka u qaabilsan Qatar ayaa lagu sheegay in heshiiska uu yahay mid Qatar u fududeynaya in ay galangal u yeelato seddax qeyb oo “Kenya xeebeheeda ah”.
Wasiirka Tamarta ee Qatar Sacad Sherida Al-Kaabi ayaa sheegay: “Aad Ayaan ugu faraxsannahay in aan qeyb ka noqono heshiiskan sahminta xeebaha Kenya iyo inaan sii xoojino joogitaankeena qaaradda Afrika.”
Heshiiskan waxaa qeyb ka ah shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total, sida ku qoran warka ka soo baxay dowladda Qatar.