Tirada Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Dalka Liibiya
July 26, 2019 - Written by admin
Tripoli(Berberatoday.com)-Dad gaadhaya 150 qof ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Liibiya,sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.
UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in tiro kale oo dhan 150 ay soo badbaadiyeen Kaluumaysato reer Liibiya ah islamarkana ay ciidamada ilaalaha xeebaha Liibiya ay ku soo celiyeen gudaha dalkaasi.
Ma cadda ilaa iyo imika in muhaajiriintan ay hal doon ama labo doon ay saarnaayeen.
Muhaajiriintan ayaa ka tagay magaalada al Khoms, oo 120 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan caasimadda Tripoli.