Dawlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Gudoomiyihii Gobolka Banaadir
July 28, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay xaaladda uu ku sugan yahay gudoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yarisow.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa sheegay guddoomiyaha iyo dhaawacyada kale oo lagu daweynayo cusbitaal ku yaalla magaalada Doxa ay xaaladooda soo hagaageyso marba marka ka dambeysa, wuxuuna inta ku daray in dhaqaatiirtu sheegeen ineysan jirin xaalad laga welwelo.