“Madaxweyne Wasiirka Arimaha Gudaha Bedel Oo Waxaad Keentaa Wasiir U Qalma”..Xil Siciid Gaane
July 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa ka hadlay Xeerka Doorashada ee hor yaala Golahooda, waxaanu sheegay in Xeerkan aan laga doodi karin ama la guda gali karin iyadoo aan laga heshiin wax la isku hayo.
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu baaq u diray Madaxweyne Muuse Biixi,waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xeerka Golaha Wakiilada hor yaala “Xeerka Doorashada ee na horyaala laa meel wax la isla dhigo oo Xisbiyadu heshiiyaan kama doodi karo, mana guda gali karno, maxaa yeelay ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, oo Doorashada kamay heshiin, ilaa hadda Saami-qaybsigiina lagama heshiin, ilaa haddana Komishankii lagama heshiin, iyadoo aan laga heshiin arimaha Doorashadana Xeerkan Doorashada ma gudda gali karno, kamana doodi karno, ee marka hore waa inay Axsaabtu heshiis ka gaadhan”.