Dad Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Mareykanka
July 29, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday
goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla gobolka California ee dalka Mareykanka
Goob joogayaal ayaa kusoo warramayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta.
Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan.