Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah Furay Qorshaha Shanta Sano Ee Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland+Sawiro
July 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha shanta sano ee soo socota ay ku hawlgeli doonto hay’adda dhawrista tayada Somaliland.
Munaasibadda daah-furka qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda hay’adda dhawrista, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu faah-faahinayo muhiimadda ay hay’addani qaranka u leedahay iyo sida ay bulshadu ugu intifaaci doonto qorshaha shanta sano ee la dejiyey.