“Mowqifkaygii Saamiqaybsigu Halkii Aan Hore Uga Taagnaa Baan Ka Taaganahay. Mana Ogolaanayno Ilaa Saamiga Lasaxo In Doorasho La Galo”Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Axmed-yasin Sheekh Cali Ayaanle
July 29, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ka hadlay dooda ay shacabka boorama ka qabaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu furayey bandhiga buugaagta Boorama ayaa sheegay inaanu waxba iska badalin mawqifkii uu ka taagnaa saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu.