Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha Oo Sababi Karta Inay Berbera Ka Guuraan Shirkado Caalamiyi
July 29, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Horumarinta Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad(Saajin)ayaa todobaadkii ugu daneeyay walaac weyn ku Abuurtay shan shirkadood oo caalami ah oo ka shaqeeya Dekeda Berbera kuwaasi oo ah shirkadaha wakiilka ka ah markiibta kontiirada qaada,
Wareegtadan ayaa wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershahadaha Jamhuuriyada Somaliland ku sheegay in ay dib u eegis ah dhimid Kusameyn doonaan khidmadii ay shirkadaha wakiilada maraakiibta koontenardu ka qaadan jireen calaa koonteenar ay ku sameeyen, khidmadii shipping lineku shaqayn jireen oo qaab xisaabeedkeedu ahaa qofkii ama ganacsadaha ay u soo qaadan koontinar 20fiit ah inay ka qaadan jireen $85 khidmad ah halka ka 40fiit ahna ka qaadan jireen $ 155 . waxaana wareegtadani dhigaysaa in iminka wixii ka danbeeya ganacsada koontinar loo soo qaado laga qaadi doono lacag celcelis ah $85. tusaale ganacsaha magaciisu ku qoran yihiin 100 koontiinar in laga qaado $85 oo kaliya Halka awal hore looga qaadi jiray calaa koontiirar lacag 85$doolar.