Nigeria(Berberatoday.com)-Militariga Nigeria ayaa lagu eedeeyay inay xasbiyada dhigaan ragga timaha raamaha leh ee ku sugan gobolka koonfurta ku yaalla ee Abia.
Ciidammo madaxa soo dabooshay ayaa waxay sitaan maqas ay timaha kaga xiirayaan ragga timaha raamaha leh waa ay kaxeystaan” ayuu goob jooge u sheegay wargeyska Pun Newspaper.
Booliska ayaa ragga timaha raamaha leh u kaxeystaa goob aan la gareyn.
Afahayeen u hadlay ciidammada Nigeria oo lagu magacaabo, Major Aliu Kadiri ayaa sheegay in ciidammada ay ka war hayaan dhacdooyinka lagu xidh xidhayo raggaas isla markaasna ay baadhayaan.
Ma kala cadda inuu xidhiidh ka dhexeeyo howlgalka ka dhanka ah ragga timaha raamaha leh iyo howlgallada lagu baacsanayo budhcadda afduubka ka geysata dalkaas.
Ciidammada Nigeria waxay sidoo kale wadaan howgallo ka dhan ah budhcadda xoolaha dhacdo iyo maleeshiyaadka Booko Xaraam.
Ma ahaan markii ugu horreysay ay ciidammada ammaanka bartilmaameedsadaan ragga timaha raamaha leh.
Afahayeen u hadlay booliska ayaa BBC u sheegay in ragga timaha raamaha leh ay halis ugu jiraan in la xidho.