Lix Ka Mid Ah Ciidamada AMISOM Oo Lagu Dilay Weerar Iyo Tiro Kale Oo Ku Dhaawacantay.
July 30, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Lix ka tirsan Ciidamada Howlgalka Somaliya ee midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Ururka Al-shabaab ay ka geysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamadan la dilay oo gaar ahaa ka socda dowladda Burundi ayaa lagu Soo Waramayaa in ay weerar ku soo qaadeen Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab fariisin ay ku lahaayeen waddada isku xidha degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ila saddex Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, halka Labo kalana lagu la’yahay weerarkaasi.