Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen (Mu’addinka)Oo Sheegay Inay Eryeen Afar Kamida Dhalinyarada Shaqo Qaran Oo Cabasho Kaga Hadlay Warbaahinta
July 31, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa eriday afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa barnaamijka shaqo qaran kuwaas oo shalay warbaahinta la hdlay iyagoo cabanaya.
Agaasimaha barnaamijka Shaqo qaran ee Somaliland Maxamed Xuseen (Mu’addinka) oo maanta HCTV la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradani khalkhal geliyeen imtixaankii shalay laga qaaday ardayda barnaamijka shaqo qaran.
Dhalinyarada ayaa ka cawday arday aan ka tirsanayn shaqo qaran oo imtixaanka u fadhiistay.
Saddex wiil iyo inan ( gabadh) ayay kala yihiin dhalinyarada la eryay.