Balse dadka qaar ayaa xisbiga BJP ku eedeeyay in ay bartilmaameedsanayaan dadka muslimiinka ah, iyada oo xildhibaanka lagu magacaabo Asadduddin Awaisi uu ku tilmaamay sharciga weerar ka dhan ah Islaamka.
Culumada Islaamka ayaa sharaxay in diinta ay si cad u qeexayso furiinka, tahayna in lammaanaha isa siiyaan muddo saddex bilood ah marka laga xisaabayo marka ay dhacdo dalqadda koowaad si waqti loogu helo in ay heshiin karaan.