Allah Unaxariisto Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Eng,Yariisow) Oo Qatar Ku Geeriyoodey
August 2, 2019 - Written by admin
Doha(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar ayaa sheegaya in uu goor dhaw halkaasi ku geeriyooday gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.
Sida lagu baahiyay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ee dowladda Soomaaliya, waxaa arrintan xaqiijisay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.