Daawo Muuqalka”Maxaabiistii Budhcad Badeeda Ee Madaxweynaha Somaliland Cafiyey Oo Maanta Hargeysa Ka Dhoofay+Sawiro
August 3, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.