berberatoday.com
Somaliya Oo Qarka Usaaran Inay Muqdisho ka Maamusho Diyaaraddaha Fadhiista Garoonka Hargeysa iyo Hawada Somaliland
August 3, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tallaabooyinka isa daba joog ah oo ay bilihii u dambeeyey waday Dawladda Somalia, ayaa waxa ay u dhowdahay in ay ka midho dhaliso hadafkeedii ahaa in ay si rasmi ah hawada dalkii la isku odhan jiray Somalia in ay ka maamusho Magaalada Muqdisho.

Dedaallo badan oo ay Somalia gelisay in ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ICOA kala wareegto Maamulka Hawada Somalia oo ay ta Somaliland ku jirto, ayaa aakhirkii maalintii shalay ay ku beegnayd in ay si buuxda kula wareegeen guud ahaan Maamulka Hawada.

Tallaabadan u dambaysay ayaa ahayd in Shaqaalihii ICOA siin jirtay Mushaharaadka ee ku sugnaa Garoomada Diyaaraddaha ah ee Muqdisho iyo Hargeysa ay ai rasmi ah ula wareegtay Hay’addaha duulimaadyada ee Somalia.

Shaqaalihii Hagi jiray Diyaaraddaha ee Madaarka Hargeysa soo fadhiista, ayaa lagu loo sheegay in ay heshiisyadii shaqo ee ay ICOA siin jirtay laga bilaabo bishan ay siin doono dawladda Somalia, loona cusboonaysiin doono heshiiskooda.

Tallaabooyinkan ay qaaday Somalia, ayaa ah kuwo hor leh oo cadaadis ku keenaya Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey dawladda Somalia haysay dagaal dublamaasiyaddeed, waxaanay arrintani u suurto gelin kartaa Somalia in ay cadaadis saarto Diyaaraddaha Caalamiga ah ee yimaada Madaarka Hargeysa, si ay uga fasax qaataan Muqdisho.

Sidoo kale, arrinta saameynta leh ayaa ah jn Muqdisho lagu rakibay qalab casri ah oo u sahlaya Xukuumadda Muqdisho in ay amarro siin karo Diyaaraddaha maraya Hawada Somaliland.

Somaliland, ayaa u muuqata mid dusha ka daawanaysa tallaabooyinkan hawadeeda lagula wareegayo ee muddada soo socday, iyada oo aan weli ka hadal qorshahan Hawadeeda lagu soo handaraabayo.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa masuul uga dhigay bilowgii Xukuumaddiisa Hay’adda duulimaadyada Somaliland nin hore u ahaan jiray duuliye Diyaaradeed oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Rodol, kaas oo dadku u arkayeen khabiir wax badan ka qaban karayey duruufihii iyo dagaalkii ka taagnaa maamulka hawada, balse Xisbiyada Mucaaradka iyo dadka siyaasadsa lafa gura, ayaa ku tilmaamay inuu ku fashilmay inuu u babac dhigo dagaalkii ka imanayey dhinaca Somalia.

Image may contain: airplane and outdoor
Image may contain: 1 person, sitting and suit
Hargeysa/Somaliland
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews