Iran Oo Soo Saartay Digniin Ku Aaddan Gacanka
August 5, 2019 - Written by admin
Tehran(Berberatoday.com)-Iran hadda kadib iskama indha tiri doonto “dambiyada badeed” ee ka dhacaya Gacanka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, maalin kadib marki Tehran ay qabatay markab laga leeyahay Iraq, oo ay ku eedeysay inuu gudbinayey shidaal sharci-darro ah.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa markabaas iyo toddobo shaqaale ah oo saarnaa ka qabsaday Jasiidda Farsi ee Iran, ee ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.