Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Qaraabada Uu Kabaxay Marxuum Xuseen Doodi Oo Ku Geeriyooday Hargeysa.
August 5, 2019 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/08/2019, magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal kala duwana qaranka ka soo qabtay oo uu ugu danbeeyey xilka wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland.