Dalal Dadkooda Uga Digay In Ay Tagaan Mareykanka Iyo Sababta
August 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalalka Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio.
Labadani waddan ee ku yaalla Latin America ayaa digniintooda ku sababeeyay,rabshadaha iyo danbiyada naceybka ku salaysan ee kusoo badanaya Mareykanka.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Uruguay ayaa lagu wargiliyay muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ee ku sugan Mareykanka in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah, sababtoo ah beey tiri wasaaradda, dowladaha hoose ee Mareykanka ma awoodaan in ay joojiyaan rasaasta sida ula kaca ah loogu furo shacabka.