Wargeys Talyaaniga ka soo Baxa oo Qiray Dedaalka Somaliland Gelisay Qorshaheeda Aqoonsi Raadinta
August 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska L’Indro oo ka soo baxa Talyaaniga, ayaa warbixin dheer ka qoray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya qoraalkaas ciwaan uga dhigay “Somaliland iyo Somalia:Laba dal oo Mataanno ah oo muddo dheer iska soo horjeeday.”
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Wargeyska L’Indro oo ka warramay sidii ay 1960kii u midoobeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, burburkii midowgaas iyo marxaladihii ay soo mareen labada dal, kuwaasi oo ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.