Dawlada Soomaaliya Oo Amar Duldhigtay Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian Airline.
August 8, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar dul dhigtay diyaarada Ethiopian Airline ee duulimaadyada ku timaada garoonka Muqdisho.
Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka ee dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay amarka lagu soo rogay diyaarada Ethiopian Airline.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay inaanay diyaarada Ethiopian Airline u kala gooshi Karin gobolada iyo magaalooyinka Soomaaliyada dhexdooda, isaga oo xusay in ganacsiga wadanka gudihiisu u xidhan yahay diyaaradaha ay leeyihiin dadka muwaadiniinta ahi.