Michael Rubin oo si Adag ugu Guubaabiyey Maraykanka Inay Wax la Qabsadaan Somaliland
August 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Washington(Solna)- Michael Rubin oo ah Xeel-dheere Millatari iyo khabiir ka tirsan Machadka American Enterprise Institute,
ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u soo jeediyey in aanay ku shaqeynaynin qorshe maangaabnimo ah oo aanay isu dhiibin Siyaasadda Khiyaaliga ah ee Soomaaliya, waxaanu Maraykanka ku boorriyey inay wax la qabsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan ka mid ah dalalka ugu nabdoon, uguna dimuqraadisan Afrika.
Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qormo uu Michael Rubin maanta ku daabacay Shabakadda Washington Examiner oo uu kaga warbixiyey farqiga u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya oo uu sheegay inay ka taliso dhul masaafadiisu aad u yar tahay oo ku yaalla badhtamaha Muqdisho.