Rag Xabsiga Kala Bixi Lahaa Cabdi Maxamud Cumar Ilay Oo La Qabtay
August 8, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo haystaa falal kala geddisan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin dilal, jirdil, barakicin, gooba ganacsi iyo kaniisado lagubay dacwado la xiriira.
Haddaba wargeyska the reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo soo xigtay ila xog ogaal ah ayaa qoray in la qabtay shaqsiyaad damacsanaa iney Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga ka sii daayaan.
Ragga la qabtay ayana la sheegay iney damacsanaayeen iney qorshahooda fuliyaan 5-ta August oo ku beegneyd Isniinti la soo dhaafay marka Cabdi maxkamadda laga soo celiyo iney falkooda fuliyaan.